Xoghayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka hayβadda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta kala sixiiday heshiis wada-shaqayn.
Heshiiskan oo ay si wada jir ah u saxiixeen labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Jaabiri iyo wakiilka hayβadda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Saeed ayaa ku saabsan horumarinta aqoonta shaqaalaha iyo sidii Sanatarrada iyo Xildhibaannada loogala shaqyn lahaa horumarinta xuquuqda caruurta iyo guud ahaan howlaha kale ee taabanaya qeybaha bulshada, sida horumarinta fahanka korjoogtaynta, isla xisaabtanka iyo ka yoolgaarista xalalka waara.