𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐑𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐅𝐑𝐈𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐎𝐒𝐇𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐑𝐊𝐈𝐈𝐒𝐈𝐈.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay weheliso Hab-dhowraha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabde ka sagootiyay guddoomiyaha Baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga oo maalmihii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay Magaaladda Muqdisho, isaga iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka urur goboleedka bulshada Bariga Afrika oo booqasho laba maalin ah dalka ku joogay ayaa muddadii ay joogeen kulamo la qaatay guddoonka labada gole ee Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale munaasabadda sagootinta, waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha Guud Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibrahim Guuleed.