π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π‚π€π‹πˆ 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐁𝐀𝐀𝐍 “π’π‡π„π„πŠπ‡ π‚πˆπ’πŒπ€π€π π—πˆπƒπˆπ† 𝐖𝐔𝐗𝐔𝐔 𝐀𝐇𝐀𝐀 π‚π€π€π‹πˆπŒ πŠπ€π€π‹πˆπ π–π€π˜π πŠπ€ ππ€π€π“π€π˜ π…π€π€π…πˆππ“π€ πƒπˆπˆππ“π€ πˆπ’π‹π€π€πŒπŠπ€

Kusimaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka SareΒ  ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa tacsi ugu tagay qoyska Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig.

Guddoomiye Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samin iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxaySheekh Cusmaan Xidig.

Sidoo kale guddoomiye Shacbaan waxaa weheliyay Wasiirka Amniga, Sanatarro iyo xoghayaha guud Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.