Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 10-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa ka doodista lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan, wuxuu sanatarradda Aqlka Sare warbixin ka siiyay taariikhda lacagta Shilinka Soomaaliga, heerarka ay soo martay iyo hadda halka ay marayso, isagoo soo jeediyay in golaha oo gudanaya waajibaadkiisa ay door ka qaataan xallinta baahida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka Isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga.

Intaas ka dib Sanatarrada Aqalka Sare oo ka qayb qaatay doodda xaaladda isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dabar go’a ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ah oo aan hadda laga isticmaalin Gobollo badan oo ka dirsan dalka, waxayna soo jeediyeen in xukuumaddu ay qaaddo tallaabooyin lagu suurtagelinayo daabacaadda lacag cusub oo shilin Soomaali ah maadaama waqtigan baahi weyn loo qabo in la helo lacag cusub.

Previous 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝟏𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐎𝐎𝐃𝐈𝐈 𝐒𝐀𝐆𝐀𝐋𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃.

Leave Your Comment

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024