Kulankii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya

Muqdisho:- 04.11.2019

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta

2.Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 9aad ee Kalfadhiga 6aad, ajanadaha: Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud

Leave Your Comment

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024