GUDDIGA AMNIGA IYO DIFAACA AQALKA SARE OO TABABAR KU SAABSAN FAHAMKA MIISAANIYADDA U QABTAY HAY’ADAHA AMNIGA DALKA.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta daah furay tababar ku saabsan xoojinta iyo fahamka habraacyada dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare BJFS.

Guddoomiye Aadan Cabdinaasir ayaa tilmaamay in tababarkan oo soconaya muddo labo maalin ah lagu qaadan doono casharro ku saabsan shaxda qaab dhismeedka iyo jaangoynta Miisaaniyad sanadeedka Hay’adaha dowladda iyo habka dabagalka iyo isla-xisaabtanka ay ugu sameeyaan Sanatarradu arrimaha miisaaniyadda gaar ahaan kaalinta guddiga amniga iyo difaaca Aqalka Sare ay ula socdaan dheeli tirka Miisaanyadda hay’adaha amniga dalka, kuwaas oo ku howlan xoojinta amniga dalka iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada.

Xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi oo isna madasha ka hadlay ayaa ku boorriyay ka qayb galayaasha in ay kaalintooda ka qaataan kulankan muhiimka ah, soona bandhigaan aragti, falanqayn iyo dood wax ku ool ah oo wax ku kordhinaysa fahamka miisaaniyadda iyo horumarinta qaybaha hay’adaha amniga dalka.
Previous 𝐗𝐈𝐋𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐍𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐄𝐈𝐉𝐈𝐍𝐆 𝐁𝐁𝐄𝐅.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024