𝐗𝐈𝐋𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐍𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐄𝐈𝐉𝐈𝐍𝐆 𝐁𝐁𝐄𝐅.

Xildhibaannno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladda Beijin dalka Shiinaha una jooga aqoon kororsi iyo cilmi baadhis ayaa maanta booqday Shirkadda Beijing BBEF Science iyo Technology Co,Ltd.

Xildhibaannada waxay la kulmeen madaxada sare shirkada isla markaana ka dhagaystay warbixinno ku saabsan qalabyada ay soo saaraan iyo taariikhda horumarka shirkada BBEF oo leh taariikh facweyn kana qayb qaadatay

Hal abuurka iyo hurramarka gudaha ah dalka Shiinaha, Iyadoo buuxisay baahiyo badan oo loo qabay wax-soosaarka technolojiyada taas oo ay ku kasbatay sumcad iyo tayo horumarsan oo ku saabsan qalabyada ay shirkaddu soo saarto.

Sidoo kale, Waxay soo bandhigeen qalabyada ay soo saaraan oo ay ugu horreyaan TV-yada, Telefoonada iyo qalabka dhulka hoostiisa lagu isticmaalo oo leh awood sare iyo agabyo kale oo badan. Dhanka kale shirkada ayaa sharraxaad kooban ka bixisay mashruucyada ay ka fuliyaan wadamo ka mid ah qaarada Afrika iyo sida ay uga hormarisay qalabka loo isticmaalo isgaarsiinta.

Ugu dambeyntii, Xubnaha wafdiga ee labada Aqal ayaa la tusay warshaqada sameysa Serverada iyo gudbiyayaasha kale ee ay soo saarto warshadu, iyagoo uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen madaxda sare ee shirkada iyo wax-soosaarkooda horrumarineed ee ay muddo 75 sanno sameynayeen.
Previous 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐈𝐒-𝐖𝐄𝐘𝐃𝐀𝐀𝐑𝐒𝐈 𝐀𝐇, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐔𝐆𝐀 𝐁𝐈𝐋𝐀𝐀𝐌𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐋𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐍𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024