𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐈𝐒-𝐖𝐄𝐘𝐃𝐀𝐀𝐑𝐒𝐈 𝐀𝐇, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐔𝐆𝐀 𝐁𝐈𝐋𝐀𝐀𝐌𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐋𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐍𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀.

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon is-weydaarsi ah uga bilaamay magaalada Beijing kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha iyo Xarunta Iskaashiga Caalimiga ah, ee guddiga horumarinta iyo dib-u-habaynta qaran Shiinaha.

Intaas kadib, Waxaa furitaanka tababarka hadalo kooban ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka xukuummadda JFS.

Ugu dambeyntii, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha ayaa guddoonsiyey hadyad ka turjumeysa dhaqanka Soomaaliya Agaasimaha Guud ee Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah, Guddiga Qaranka Horumarinta iyo Dib-u-habaynta, Jamhuuriyadda Shiinaha Marwo Qui Ainun.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐅𝐀𝐀𝐂𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐁𝐀-𝐁𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐂𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐔𝐆𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐀𝐘𝐍𝐀 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐄𝐄𝐍 𝐁𝐀𝐇𝐃𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024