MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA TODOBAAD LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA JFS.Munaasabadda Furitaanka kalfadhiga todobaad labada aqal ee Baarlamaanka JFS, oo uu maanta si rasmi ah u furay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuuur Madoobe oo ay wehliyeen ku xigeennada labada Aqal ee Baarkamaanka JFS.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahu oo ugu horrayn jeediyay khudbadda furitaanka kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka JFS, ayaa ka warbixiyay waxqabadka Aqalka Sare ee kalfadhigii lixaad ee la soo dhaafay iyo wada shaqaynta wanaagsan oo ay muujiyeen guddoonka labada aqal sanadihii la soo dhaafay, taas oo horseedday in laga miro dhaliyo dadaallada dowlad dhiska, dib u eegista Dastuutka iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad,
Guddoomiyuhu, wuxuu dhinaca kale xusay waxyaabaha hor tabinta u leh Aqalka Sare kalfadhiga maanta furmay oo ay ka mid yihiin dhammaystirka dib eegista Dastuurka, waajibb ka gudashada shuruuc muhiim ah oo Golaha horyaalla, wuxuuna ugu dambayn talo ku soo jeediyay in la dhiso Golaha adeegga Garsoorka, Maxkamadda Dastuurka dalka iyo dardar gelinta maqaamka Caasimadda Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbaddiisii Dastuuriga ahayd ee Furitaalka kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka 11-aad, ayaa ka hadlay guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.