𝐗𝐎𝐆𝐇𝐀𝐘𝐄 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐔𝐑𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐗𝐎𝐆𝐇𝐀𝐘𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐍𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐅𝐑𝐈𝐊𝐀 ( 𝐀𝐒𝐆𝐀𝐏 ).

Xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarkamaanka JFS Mudane Cabdullahi Xaaji Geedi, ayaa ka qayb galay shirka sanadlaha ah ee Ururka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika (ASGAP) kaas oo ka dhacay magaalada Midrand, Koonfur Afrika.

Shirka oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saaray doorashada hoggaanka ururka, kaalinta Afrika ee diblomaasiyadda, adkaynta xiriirka Golayaasha Baarlamaannada Afrika si loo fuliyo go’aannada iyo Qaraarrada kasoo baxay Midowga Afrika iyo sidoo kale warbixin kooban oo ku saabsan shir madaxeedka Baarlamaannada P20 ee a dhici doona Cape Town horaanta bisha Oktoobar ee sanadkan, iyadoo ay xubnuhu ka doodeen kaalinta Afrika ee xiriirrada Baarlamaannada Adduunka.

Xoghaye Geedi, ayaa ka mahad celiyay in mar kale Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu doortay xubin ka noqoshada Guddiga fulinta ee Ururka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika (ASGAP), isagoo tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kaalin muuqata oo wax ku ool ah ka qaadan doono Fulinta Ajendayaasha horyaalla ururka.

 

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆𝐓𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐑𝐖𝐎 𝐑𝐀𝐋𝐌𝐀 𝐂𝐀𝐋𝐈.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024