π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π€π‘π‘πˆπŒπ€π‡π€ 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 ππŽπ‘π’π‡π„π„π˜π„π˜ π’π€π…π€π‘π‘πŽ π’π‡π€ππŽ 𝐎𝐎 π€π˜ πŠπ” π“π€π†π€π˜π€π€π πƒπŽπ–π‹π€πƒ π†πŽππ€π‹π„π„πƒπ˜π€πƒπ€ πƒπ€π‹πŠπ€

Guddiga Arimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii shanaad ee kalfadhiga shanaad.

Kulanka oo ay shir guddominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayay xubnaha guddigu waxa ay ka tashadeen howlohooda shaqo gaar ahaan safar shaqo ay ku tegi rabaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Jubanland.

Guddiga waxey hore safaro shaqo ugu tageenΒ  magaalda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed iyagoo kulamo miro-dhal ah la soo qaatay madaxda maamulkaasΒ  oo ugu horeyaan Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka,Wasaaradda Arrimaha Gudaah iyo qaybaha kale ee bulshada, waxay sidoo kale halkaas kula wareegeen xafiis matalaad oo loogu talagalay Aqalka Sare.