π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π‰πŽπŽπ†π“π€πƒπ€ 𝐀𝐇 𝐄𝐄 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ π˜π„π„π’π‡π€π˜ πŠπ”π‹π€π 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 π†π€π‹πˆππ€π€π˜πŽ π‡πŽπ–π‹π€π‡π€ π’π‡π€ππŽ 𝐄𝐄 π†πŽπ‹π€π‡π€.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka shanaad ee kalfadhiga 5-aad guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa dhagaysiga warbixinta guddiga maaliyadda oo safar shaqo ku tegay magaalada Nayroobi iyadoo guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan, uu warbixin faahfaahsan oo ku saabsan safarkaas uu siiyay xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare BJFS.

Sidoo kale xoghaya guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa dhankiisa Guddoonka iyo xubnaha guddiga joogtada ah la wadaagay shuruucda golaha soo gaartay ee u diyaarsan ka waajib gudashada Golaha Aqalka Sare.

Intaas ka dib Guddoonka iyo xubnaha guddiga joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay dardar gelinta waajibaadka ka saran korjoogtaynta, isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh waajibaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Β Β Β 

 

Previous π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŠπ‡π€π˜π‘π€πƒπŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π†π€π€πƒπˆπˆπƒπŠπ€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π πˆπ’π‹π€-π—πˆπ’π€π€ππ“π€π 𝐀𝐇 𝐋𝐀 ππ€π€π“π€π˜ πŒπ€π’π”π”π‹πˆπ˜πˆπˆππ“π€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 π†π€π€πƒπˆπˆπƒπŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 πƒπ”π”π‹πˆπ’π“π€ 𝐇𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀.

Leave Your Comment

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024