𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐀𝐀𝐃𝐈𝐈𝐃𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐈𝐒𝐋𝐀-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐀𝐃𝐈𝐈𝐃𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐔𝐔𝐋𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀.

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga Khayraadka Qaranka Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa ugu horrayn wasiir Fardowsa looga dhagaystay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay iyo shaqooyinka kale ee hortebinta u leh Wasaaradda.

Intaas kadib xubnaha Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa Wasiirka iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, wax ka waydiiy cabashooyin guddiga ka soogaaray ganacsatada iyo shacabka oo ay ka mid ahaayeen tayada iyo badqabka gaadiidka waawayn ee xamuulka qaada, gaadiid ku xayirad Dekedda, cabashada wadayaasha Mooto Bajaajta iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen Wasiirka iyo wasiir dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.