𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐔𝐃𝐃𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐋𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀 𝐆𝐄𝐋𝐀𝐘𝐎 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐔𝐆𝐔 𝐇𝐎𝐑𝐄𝐄𝐘𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka, ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Sanatar Siciid Cabdi Xuseen isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, muhiimaddiisa iyo in ay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu danbayn isla qaateen.