LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA OO WADAJIR KU MEEL-MARIYEY HABRAACA WAX-KA-BEDDELKA DASTUURKA KMG.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Habraacan oo ujeedadiisu tahay sidii labada gole u dejisan lahaayeen habraac lagu hago dib-u-eegista & wax-ka-bedelka dastuurka KMG.

Kooramka guud ee soo xaadirtay wuxuu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare. Waxaana ogolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Previous LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA OO WADAJIR KU MEEL-MARIYAY XISAAB XIRKA MAALIYADDA 2022.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.