π†π”πƒπƒπˆπ˜π€πƒπ€ π‡π€π–π„π„ππŠπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π 𝐆𝐀𝐀𝐑 𝐀𝐇 𝐋𝐀 ππ€π€π“π€π˜ π†π”πƒπƒπŽπŽππŠπ€ π†π”πƒπƒπˆπ˜π€πƒπ€ πƒπ€π’π“π”π”π‘πŠπ€.

Guddoonka Guddiyada Dastuurka ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Aqalka Sare Sanatar Sareedo Maxamed Xasan (Jayte) iyo Guddoomiyaha Gudddiga Haweenka Golaha Shacabka Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow .

Guddoonka Haweenka labada Aqal oo wakiil ka ah lixdan iyo todobada Haweenka Xildhibaannada ah ee Baarlamaanka 11-aad ku jira iyo dhamaan Haweenka Soomaaliyeed ayaa guddoonka Guddiyada Dastuurka hordhigay qodobada wax ka bedelka Dastuurka ee Haweenka quseeya sida arrimaah kootada Haweenka iyo qodobo kale muhiim ahaa.

Dood, falanqayn, su’aalo iyo jawaabo waqti dheer qaatay kadib, ugu danbayn waxaa la isla qaatay oo ay guddoonka Guddiyada Dastuurku tixgeliyeen soo jeedimaha qodobadii Haweenku ay soo bandhigeen maanta, iyadoo sidoo kale laga ballamay waqti kale, si loo dhammaystiro qodobo kale oo ay Haweenku weli aragti gaar ah ka qabaan dib u eegista dastuurka KMG ah.