DOODDA QODOBADA 1-AAD IYO 9-AAD CUTUBKA KOOWAAD EE DASTUURKA OO AAN WALI DHAMMAAN.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ayaa ka qayb galay kulanka 14-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista iyo dhagaysiga soo jeedinnada wax ka bedelka qodobada koowaad illaa sagaalaad ee cutubka koowaad ee Datuurka KMG ah.

Qaar ka mid ah Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ee isfiiwan galiyay inay fikirkooda ka dhiibtaan doodda cutubka 1-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku saabsan qodobada koowaad illaa sagaalaad ooy maalmahaan dooddoodu socotay.

doodda oo aan weli dhamaan ayaa lagu ballamay in maalinta berri oo talaado ah la isku soo laabto si loo dhammaystiro qodobada 1-aad iyo Sagaalaad ee cutubka koowaad ee Dasturka loona dhagaysto aragtida Xildhibaaannada harsan.