𝐃𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐒𝐎𝐎 𝐉𝐄𝐄𝐃𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗 𝐊𝐀 𝐁𝐄𝐃𝐄𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa ka qayb galay kulanka 15-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa dhammaystirka ka doodista iyo dhagaysiga soo jeedinnada wax ka bedelka qodobada koowaad illaa sagaalaad ee cutubka koowaad ee Datuurka KMG ah.

Doodda qodobbada 1aad illaa 9aad ee cutubkan koowaad oo qaadatay muddo afar maalin ah ayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

Previous DOODDA QODOBADA 1-AAD IYO 9-AAD CUTUBKA KOOWAAD EE DASTUURKA OO AAN WALI DHAMMAAN.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.