BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MEEL-MARIYAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

Kulanka wadajirka ah ee Baarlamaanka ee aan caadiga ahayn oo ay shir guddoomiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ee BFS, ayaa waxaa hor yimid Madaxwaynaha Jamhuuriyadda FS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka marka uu furmay ayaa waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaanno gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka beddel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaannada ee ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Intaas ka dib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay mudanayaasha Labada Aqal wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay dowladdu ku talaabsatay, isagoo si gaar ah uga hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo JamhuuriyaddaTurkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda, burcad badeedda iyo arrimo kale oo badan.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, xildhibaannada Labada Aqal waxay guda galeen kulanka, waxaana Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) isagoo Xildhibaannada u sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyay heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa diiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan.