𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐊𝐌𝐆 𝐀𝐇.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shirguddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowdat, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada iyo senatorradu ee waxay go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan bqol oo dolar.