π†π”πƒπƒπˆπ˜π€πƒπ€ π‡π€π–π„π„ππŠπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 π†πŽπ‹π„ 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π π–π€πƒπ€π‰πˆπ‘ 𝐀𝐇 π˜π„π„π’π‡π€π˜.

Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Aqalka Sare Senator Sareedo Maxamed Xasan (Jayte) oo ay weheliso Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Golaha Shacabka Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay maanta yeesheen xubnaha labada guddi.

Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada guddi, ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayΒ  diyaarinta xeerka sharciga siyaasadda Haweenka ee loo dhanyahayΒ  oo la rajaynayo in dhowaan Baarlamaanka la hor geeyo, iyagoo sidoo kale isla dejiyay jadwal shaqo oo ay ku wada shaqeeyaan labada guddi.