πŠπ”π‹π€ππŠπ€ π–π€πƒπ€π‰πˆπ‘πŠπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 π†πŽπ‹π„ 𝐎𝐎 πŒπ€π‘ πŠπ€π‹π„ π‹πŽπŽπ†π€ πƒπŽπŽπƒπ€π˜ 𝐖𝐀𝐗 πŠπ€ ππ„πƒπ„π‹πŠπ€ πƒπ€π’π“π”π”π‘πŠπ€.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir gudddoomiyay kulanka 13-aad ee wadajir ah ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa ajandihiisu ahaa:

1. Dib-u-eegista Dastuurka KMG marxalada 2-ad.

2. Dhammaystirka ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyaddaβ€’ QODOBKA 1-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa si furan uga dooday ajandihi maanta, qodob qodobna u dul is taagay qodobka koowaad illaa Sagaalaad ee Dastuurka KMG ah oo ay doodiisu maalmahaan u furan tahay Xildhibaannada labada.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in la qoray nuxurka dooda Xildhibaannada iyo aragtidooda sixid, siiqayn iyo soo jeedinba, lana sii wadi doono doodda Dastuurka maalinta Isniinta ah.