𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐊𝐎𝐑𝐎𝐑𝐒𝐈 𝐔𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐒𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐌𝐀𝐘.

Tababar aqoon kororsi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BJFS oo ku saabsan waajibaadka shaqo ee kor joogtaynta iyo daba-galka howlaha maamulka iyo adeeg bixinta hay’addaha fulinta , ayuu maanta Guddigu daah-furay.

Ajandaha tababarka ayaa ahaa ;

1.dib u eegista iyo falaqeynta miisaaniyadda qaranka gaar ahaan bahda caddaalada.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa daahfurtay Guddoomiyaha guddiga Garsoorka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), iyadoo lays waydaarsaday qorshayaasha miisaaniyadda ay maamulaan.

Tababarka oo ah maalintiisii kowaad ayaa intuu socday waxaa la is dhaafsaday aragtiyo iyo aqoon kororsi ku saabsan ajandaha oo ay si wanaagsan ay uga wada qayb qaateen ka soo qayb galayaasha iyo aqoonyahannadii bixinaayey tababarka.

Sidoo kalena howl-wadeennadii ka socday hay’addaha caddaalada ayaa guddiga ka codsaday inay kaalin ka gaystaan dib eegista qoondooyinka garsoorku ay ku leeyihiin miisaaniyadda qaranka marka la gaadho dib u eegista lix biloodlaha ah ee soo socota.

Previous 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐅𝐀𝐑 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024