𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐊𝐎𝐑𝐎𝐑𝐒𝐈 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐃𝐃𝐎 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎𝐎𝐃 𝐀𝐇, 𝐀𝐘𝐄𝐘 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐁𝐀-𝐆𝐀𝐁𝐄𝐄𝐘𝐄𝐄𝐍 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐒𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒.

Tababar aqoon kororsi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BJFS oo ku saabsan waajibaadka shaqo ee kor joogtaynta iyo daba-galka howlaha maamulka iyo adeeg bixinta hay’addaha fulinta oo muddo laba maalmood ah, socday ayuu guddigu maanta soo gaba-gabeeyey.

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah, waxaa soo xidhay Guddoomiyaha guddiga Garsoorka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), iyadoo uga mahadcelisay ka soo qayb galayaasha tababarka isla markaana kula dardaarantay aqoontii ay barteen muddadii labad maalin aheyd ay uga faa’ideeyaan bahda caddaalada ee ay ka howl galaan.

Intuu socday tababarku waxaa dood laga yeeshay madaxyada iyo isticmaalka miisaaniyadda shaqaalaha , iyagoo ka soo qayb galayaashu ay ku biiriyeen aragtidooda ku aadan soona jeediyey in hannaanka gunnooyinka wax laga beddelo oo loo sameeyo madaxyo si loo helo daahfurnaan maaliyadeed.
Previous 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐊𝐎𝐑𝐎𝐑𝐒𝐈 𝐔𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐒𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐌𝐀𝐘.

Leave Your Comment

 

 The Upper House of the Federal Parliament of Somalia represents the Federal Member States and exercises legislative authority, protects the federal system, and oversees government affairs as defined by the Provisional Constitution.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Saturday – Thursday: 8:00 AM – 4:00 PM

© 2026 Federal Parliament of Somalia - The Upper House. All Rights Reserved.