Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Mudane Cabdiwali Ibraahim Aadan “Garyare”.
Goluhu wuxuu Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka la doortay ee Galmudug u rajeynayaa in Alle SWT u fududeeyo gudashada masβuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka loo doortay. Goluhu wuxuu shacabka Galmudug u rajeynayaa nabad, midnimo, horumar iyo isbeddel miro-dhal ah oo ay ku barwaaqoobaan bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya.