𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐈𝐅𝐀𝐀𝐂𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐊𝐎𝐑 𝐋𝐔𝐔𝐆𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐀𝐘𝐎 𝐅𝐀𝐇𝐀𝐌𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐀𝐉𝐈𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀.

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo qaban qaabiyey tababar lagu xoojinaayo fahamka guud ee masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee Guddiga Amniga iyo Hay’addaha Amniga Gudaha XFS.

Tababarka waxaa furay Sanatar Col. Axmed Maxamed Cali ( Afcadey ), Tababarkaas oo socon doonna muddo laba maalmood ah. Sanatarka ayaa ka hadlay muhiimada uu u leeyahay tababarkani hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya amniga gudaha loona baahan yahay in kor loo qaado fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee Baarlamaanka iyo hay’addaha amniga, Iyadoo la dardar galinaayo sharaxaadna laga bixinayo sharciyada amniga khuseeya isla markaana kor loo qaado samaynta hannaan isla-xisaabtan hufan oo ku salaysan dastuurka KMG ah, xeerarka Dalka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed.

Intaas ka dib, Waxaa la guda’galay dood ku saabsan kaalinta shaqo ee ay leeyihiin hay’addaha Amniga, Iyadoo la soo bandhigay warbixinno iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ay soo jeediyeen ka soo qayb galayaasha tababarka isla markaana la wadaagay guddiga muhiimadda ay leedahay qabashada tababarrada noocan oo kala ah, loona baahanyahay in sare loo qaado kala xadaynta shaqooyinka Baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta amniga ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Sanatar Afcadey ayaa ka soo qayb galayaasha tababarka u sheegay in tababarkani uu yahay aqoon iswaydaarsi iyo kor u qaadista xirfadaha ay ka soo qayb galayaashu uga baahan yihiin inay gutaan waajibaadkooda qaran.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐎𝐎𝐃𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐊𝐔𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐒𝐀𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐀𝐀𝐑𝐈𝐈𝐂𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐃𝐀𝐌 𝐒𝐌𝐈𝐓𝐇 𝐈𝐍𝐓𝐄𝐑𝐍𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍𝐀𝐋.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024