Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta ee Aqalka Sare BJFS oo gudanaya waajibaadka uu u xilsaaranyahay ayaa maanta yeeshay kulankoodii labaad ee kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka JFS.
Ajandaha kulanka, ayaa ahaa Akhrinta iyo Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka isla markaana xubnaha Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ayaa gudagalay akhrinta sharciga, iyagoo ku sameeyey toosin iyo wax-ka- beddel qodobada qaar.
Ugu dambeynti Xubnaha Guddiga iyo sharciyaqaannadda Aqalka Sare ayaa isla meel dhigay in ay si wadaan akhrinta iyo ka doodista sharciga, iyaga oo marinayaa habraca looga talagalay sharciyadda.