Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka labaad kalfadhiga sideedaad Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga sideedaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandayaasha Golaha iyo qorshe hawleedyada Guddiyada ee kalfadhiga sideedaad.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan dhammaan guddiyada Aqalka Sare.