Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda XFS, Mudane Maxamed Aadan Macallin, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Wasiirka lagaga codsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah iyo caddaymo ku saabsan qodobbada Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed oo ay xubnaha Guddigu u baahdeen fasiraad dheeraad ah.
Intaas kadib, Wasiirka iyo xubnihii kale ee la socday ayaa ka jawaabay su’aalihii ay xubnaha Guddigu ka weydiiyeen qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta nuxurka iyo ujeeddooyinka hindise-sharciyeedka.