Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo boqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Jabuuti, ayaa booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Jabuuti, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Mudane Salaad Cali Jeelle.
Guddoomiyaha oo warbixin ku saabsan howlaha shaqo ee safaaradda ka dhagaystay Safiirka, ayaa dhinaca kale kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo ku boorriyay safiirka iyo howlwadeennada kalaba in ay dardar geliyaan xoojinta xiriirka walaaltino ee labada dal iyo shaqada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u haayaan.