𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐀𝐘 𝐊𝐔 𝐋𝐄𝐄𝐃𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo boqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Jabuuti, ayaa booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Jabuuti, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Mudane Salaad Cali Jeelle.

Guddoomiyaha oo warbixin ku saabsan howlaha shaqo ee safaaradda ka dhagaystay Safiirka, ayaa dhinaca kale kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo ku boorriyay safiirka iyo howlwadeennada kalaba in ay dardar geliyaan xoojinta xiriirka walaaltino ee labada dal iyo shaqada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u haayaan.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.