𝐗𝐔𝐁𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐐𝐀𝐀𝐑 𝐊𝐀 𝐌𝐈𝐃 𝐀𝐇 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare oo qayb ka ah wafdiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ee ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Guddiyada Baarlamaanka Jabuuti.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday warbixinno guud oo la xiriira guud ahaan shaqada Baarlamaannada iyo hannaanka waajib gudasho ee guddiyada labada Baarlamaan ee maanta shirka fadhiyay, kaalinta korjoogtayn isla-xisaabtan iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyagoo sidoo kale iska waraystay dhanka waayo-aragnimada, shaqada, curinta shuruucda iyo kaalinta haweenku ku leeyihiin sharci dejinta labada dal.

Habdhowraha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali oo xubnaha Aqalka Sare hoggaaminaysay, ayaa uga mahadcelisay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti Marwo Safiya Cilmi Jibriil iyo dhammaan Golaha Baarlamaanka Jabuuti soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Aqalka Sare, iyadoo tilmaantay in booqashadaani miro-dhalka ah iyo kulamadii ay wada qaateen ay horseedi doonaan sii xoojinta xirriirka shaqo, qibrad wadaagga iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada labada Baarlamaan.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐀𝐘 𝐊𝐔 𝐋𝐄𝐄𝐃𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.