𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Carta oo ah halkii lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee maanta booqday magaalada Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jabuuti, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti, Maamulka magaalada, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shacabka Carta uga mahad celiyay martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan shacabka iyo Madaxwaynaha Jabuuti hiilka walaaltinimo ee ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliya.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐅𝐃𝐈 𝐔𝐔 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍𝐀𝐘𝐎 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐉𝐀𝐁𝐔𝐔𝐓𝐈.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024