Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo iska xogwraystay xaaladda guud ee labada dal iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka mahad celiyay soo dhowaynta diirran ee loogu sameeyay qasriga madaxyooyada Jabuuti, ayaa uga mahad celiyay madaxwaynaha Jabuuti kaalinta hagar la’aanta ah ee uu ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in kaalintaas walaaltinimo ay baaqi ku ahaan doonto qalbiyada shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo Guddoomiyaha iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyay salaan gacaltooyo, ayaa guddoomiyaha ku ammaanay kaalintiisa odaytinimo, waddaniyad iyo isku haynta Ummadda Soomaaliyeed oo Qarankooda uu cagta saaray waddadii nabadda iyo barwaaqada.