𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐗𝐈𝐃𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐁𝐀𝐍𝐁𝐀𝐗 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐕𝐈𝐋𝐋𝐀 𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 𝐔𝐆𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐔 𝐗𝐈𝐋𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐄𝐄𝐆𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ay weheliyaan ku xigeennada labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soo xiray kulan banbax hawleed shaqo ah oo Villa Hargeysa uga socday Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dasrtuurka.

Banbax hawleedkan oo socday muddo labo maalmood ah, ayaa qayb ka ahaa dardargelinta dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka, si loogu gudbiyo fadhiyada wadajirka mudnayaasha labada ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo guddonka lab ada aqal ee Baarlamaanku ay ku bogaadiyeen Guddiyada Dastuurka shaqada adag ee ay Qaranka Soomaaliyeed u hayaan.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐄𝐄𝐆𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.