𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐀𝐒 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐋𝐎𝐎 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆/𝐋𝐄/𝐃𝐇 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐒𝐀𝐋𝐀𝐀𝐃 𝐗𝐔𝐉𝐀𝐀𝐋𝐄.

Ku-Simaha Guddoomiyaha ahn Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde,Madaxweyne ku xigeenka hirshabelle, Wasiirka gaashaandhiga, Taliyaha ciidanka Xoogga, Sanatarro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, ayaa ka qayb galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo maanta aas qaran lugu sameeyey Magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiyaha ayaa xusay in Marxuumku ahaa halyeey Soomaaliyeed oo noloshiisa u huray difaaca Qaranka, waligiisna aan gamban cadowga. Wuxuu ku astaysan yahay geesinimo, daacadnimo iyo hoggaan toosan, isaga oo aan marnaba ka harin safka hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagaxisada nabad-diidka ah.

Guddoomiyaha, ayaa markii ay soo idlaatay aaska Marxuunka, ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka, ehelada dhamaan shuhadada iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada iyo naf-hurnimada leh ruuxdooda ugu huraya difaaca Qaranimada Soomaaliyeed, isoogana Alle uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo, rabbina ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Previous 𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐊𝐇𝐔𝐁𝐀𝐑𝐎 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐉𝐀𝐀𝐌𝐀𝐂𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐋𝐘𝐀𝐀𝐍𝐈𝐆𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024