Ku-Simaha Guddoomiyaha ahn Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde,Madaxweyne ku xigeenka hirshabelle, Wasiirka gaashaandhiga, Taliyaha ciidanka Xoogga, Sanatarro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, ayaa ka qayb galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo maanta aas qaran lugu sameeyey Magaalada Muqdisho.
Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiyaha ayaa xusay in Marxuumku ahaa halyeey Soomaaliyeed oo noloshiisa u huray difaaca Qaranka, waligiisna aan gamban cadowga. Wuxuu ku astaysan yahay geesinimo, daacadnimo iyo hoggaan toosan, isaga oo aan marnaba ka harin safka hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagaxisada nabad-diidka ah.