𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐊𝐇𝐔𝐁𝐀𝐑𝐎 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐉𝐀𝐀𝐌𝐀𝐂𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐋𝐘𝐀𝐀𝐍𝐈𝐆𝐀.

Ku-Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa Kulan kula qaatay khubro ka socday dalka Talyaaniga oo kala ah Dr. Ahmed Faghi Elmi oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaaladda Trieste ee wadanka Talyaaniga oo ay la socdeen Prof. Federico Battera iyo Prof. Federico Donelli oo ka socday Jaamacadda Trieste qaybteeda siyaasadda iyo Cilmiga Bulshada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii labada dowladood ay iskaga kaashan lahaayeen tayada waxbarashada jaamacadaha ee labada dal, iyagoo tilmaamay muhiimada iskaashigaan uu u leeyahay Jaamacadaha dalkeenna iyo dalka Talyaaniga sidoo kale waxay labada dhinacba isla qateen sidii ay ardayda Soomaaliyeed u heli lahayeen waxbarasho tayo leh isla markaana dowlada Talyaaniga ay ka taageeri laheeyn.

Ku-Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa khubarada uga mahadceliyey booqashada ay ku yimadeen Soomaaliya, dhanka kale Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga kaalinta Dowladda Talyaaniga ee horumarinta Soomaaliya.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐍 𝐋𝐎𝐎 𝐘𝐄𝐄𝐃𝐇𝐎 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐗𝐎𝐎𝐓𝐈𝐆𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024