𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐍 𝐋𝐎𝐎 𝐘𝐄𝐄𝐃𝐇𝐎 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐗𝐎𝐎𝐓𝐈𝐆𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀.

Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-U-heshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ee kalfadhiga Lixaad.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ajandihiisu ahaa ka tashiga kulanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha, iyo u yeerida Hay’adda Qaxootiga Qaranka.

Intaas kadib xubnaha guddiga ayaa go’aamiyay in ay u yeeraan Hay’adda Qaxootiga Qaranka si looga dhageysto warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Guddigu u igmanyahay.
Previous 𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐄𝐄 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐑𝐄𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024