𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐊𝐇𝐋𝐈𝐆𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Xeereedkaka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, isaga oo dul istaagay wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo hagaajinta lagu sameeyay, kaddib markii uu Guddigu si qoto dheer uga baaraandegay nuxurka iyo qodobbada sharciga.

Intaas kaddib, Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga dooday Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyaga oo soo jeediyay aragtiyo, talooyin iyo wax-ka-beddello kala duwan oo la xiriira qaab-dhismeedka iyo qodobbada qaar ee uu hindise-xeereedku ka kooban yahay.

Doodaha iyo talooyinka Sanatarrada waxay diiradda ku saareen sidii xeerkan u noqon lahaa xeer hufan, dhammaystiran oo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, isla markaana xoojinaya nidaamka maaliyadeed iyo maamulka dakhliga Qaranka.

Gebagebadii, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo kulanka soo xiray, ayaa bogaadiyay doodaha iyo aragtiyaha wax-ku-oolka ah ee ay Sanatarradu ka dhiibteen Hindise xeereedka, isla markaana wuxuu Guddiga Maaliyadda kula dardaarmay in talooyinka, aragtiyada iyo soo-jeedimaha ay Sanatarradu soo gudbiyeen si mas’uuliyad leh loogu daro dib-u-habaynta iyo qaabaynta sharciga, si marka uu gaaro akhrinta saddexaad u noqdo xeer dhammaystiran oo ka tarjumaya danta guud ee Qaranka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐈𝐒𝐋𝐀-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍𝐘𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐂𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑𝐀𝐇𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.