Kulanka maanta oo ahaa kulankii 24-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehelinayaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Intaas kaddib, mudanayaasha labada aqal ayaa mid mid ugu codeeyay cutubyada dastuurka, iyadoo sidoo kale mudanayaasha labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen cutubyadaas, waxaana ansixinta dastuurka oggolaatey 222-Mudane oo labada Aqal ka ka kooban, oo ahaa tiradii guntanka ama kooramku uu ku furmay kulanka maanta.