Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay aas-aaska gole cusb oo mideynaya Baarlamaannada qaaradaha Afrika iyo Asiya oo lagu qabtay Magaaladda Beirut ee caasimadda Dalka Lebnon, waxaana Soomaaliya shirkaasi ku matalayay Sanatar Samiira Maxamed Xaaji, Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir.
Xubnaha Soomaaliya ku matalayay Aas-aaska golahan cusub ayaa ka qeyb qaatay kulamo iyo doodo lagu gorfeynayay xoojinta iyo iskaashiga Baarlamaannada, kobcinta wada hadallada siyaasadeed iyo sidoo kale horumarinta iskaashi horumarineed oo dhexmara labada Qaaradood.
Aas-aaska Golaha Baarlamaanka cusub ee mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga labada qaaradood.