𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Md Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 3-aad ee Kalfadbiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa;
1.Akhrinta Labaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4..Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare ee BJFS, Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow ( Dhagdheer) ayaa Sanatarrada la wadaagtay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedyada kor ku xusan oo ay toosin, wax ka bedel, siiqayn iyo qaabaynba ay ku sameeyeen qodobada qaar ee shuruucda ay gacanta hayaan.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay doodda iyo dhagaysiga aragtida Sanatarrada kulanka maanta soo xaadiray, iyagoo soo bandhigay fikirkooda iyo aragtiyada ay ka qabaan hindise sharciyeedyada kor ku xusan oo ay tahay in lagu kordhiyo ama laga tiro, si loo helo shuruuc isdheeli tiraysa. dhanka kalena Sanatarrada goalaha ayaa su’aallo ku saabsan hindise sharciyeedyada waydiiyey Wasiirk Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Sanatarrada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen, isaga oo Sanatarrada uga mahadceliyey aragtidooda wax ku oolka ah ee ay ku biiriyeen shuruucdan oo muhiim dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa boogaadiyey guddiga maaliyadda oo shaqo wanaagsan ku soo qabtay muddo kooban oo ay gacanta ku hayeen hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalkeenna loona qabo baahiweyn, wuxuuna Senatorrada Aqalka Sare kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga isla markaana soo xidhay kulankii maanta.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐀𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐁𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐇 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024