Tababar aqoon kororsi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BJFS oo ku saabsan waajibaadka shaqo ee kor joogtaynta iyo daba-galka howlaha maamulka iyo adeeg bixinta hay’addaha fulinta , ayuu maanta Guddigu daah-furay.
1.dib u eegista iyo falaqeynta miisaaniyadda qaranka gaar ahaan bahda caddaalada.
Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa daahfurtay Guddoomiyaha guddiga Garsoorka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), iyadoo lays waydaarsaday qorshayaasha miisaaniyadda ay maamulaan.
Tababarka oo ah maalintiisii kowaad ayaa intuu socday waxaa la is dhaafsaday aragtiyo iyo aqoon kororsi ku saabsan ajandaha oo ay si wanaagsan ay uga wada qayb qaateen ka soo qayb galayaasha iyo aqoonyahannadii bixinaayey tababarka.