Munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo gaba-gabeynaayey maalmaha xorriyada ee sanno guurada ka soo wareegtay maalintii ay isku biireen Gobolada Waqooyi iyo Gobolada kofuureed, iyadoo ka soo wareegtay 65 sano. Waxaa xaflada ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Raysal-wasaaraha XFS, Raysal-Wasaare ku xigeenka, Taliyaha ciidanka Xoogga, Taliyaha Booliska iyo Raysal-Wasaare hore Mudane Cali Macamed Geedi.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sanad guuradda 65-aad ee kasoo wareegatay markii dalkeena uu ka xorroobay gumeystihii isla markaana ay midoobeen Gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Dalkeena, wuxuuna sheegay in xuska sanadkan uu kusoo aaday iyadoo dowladda Soomaaliyeed ay ku talaabsatay guulo waaweyn oo muhiim ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in 65-sano ka dib dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo Dowladooda ay si nabadgelyo ah ugu dabaal degayaan todobaadka xorriyadda, taasina ay muujineyso horumarka dowladnimo ee uu dalkeena ku talaabsanayo iyo sidoo kale kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Dowladooda.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyuhu wuxuu xusay marxalidihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay in dowladnimadda Soomaaliyeed ay maanta meel wanaagsan mareyso looga baahan yahay sidii midnimada iyo wadajirka dalkeenna looga shaqayn laha.