𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐑𝐔𝐁 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda ee marwo Karin Gatt-rutter.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta arrimaha iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib u eegista dastuurka iyo sidoo kale qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha oo si diirran u soo dhaweeyay danjiraha, ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee horyaalla Aqalka Sare iyo shuruucda muhiim u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad wanaagga oo ay gacanta ku hayaan kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.

Danjire Di Mauro, oo dhankeeda Guddoomiyaha uga mahadcelisay soo dhaweyntiisa diirran, ayaa bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxayna xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟕-𝐀𝐀𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024