𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐄𝐄𝐆𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa warbixin ku saabsan dardar gelinta dib-u-eegista Dastuurka ka dhagaystay Guddoonka Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka, islamarkaana loo soo bandhigay qorshayaasha iyo hannaanka loo qaabeeyay cutubyada Dastuurka 5aad illaa 9aad.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Ku-xigeennada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Habdhowraha Aqalka Sare iyo Xoghayeyaasha labada Aqal oo socdon doonna muddo laba maalmood ah, ayaa wuxuu qayb ka yahay dardargelinta dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka, ayadoo loo gudbin doono Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya cutubyada 5aad ilaa 9aad, si ay xildhibaannada labada Aqal ee BFS uga gutaan waajibaadkooda Dastuurka.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐄𝐄𝐋-𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐇𝐀𝐃𝐈𝐆𝐀 𝟕-𝐀𝐀𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024