π—πˆπ‹πƒπ‡πˆππ€π€πππ€πƒπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 π€π˜π€π€ πŒπ€π€ππ“π€ π€πŠπ‡π‘πˆππ“π€ πŠπŽπŽπ–π€π€πƒ πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π„π˜ π–π€π‘ππˆπ—πˆππ“π€ π—πˆπ’π€π€π-π—πˆπƒπ‡πŠπ€ 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃 πŒπ€π€π‹πˆπ˜π€πƒπ„π„πƒπŠπ€ πŸπŸŽπŸπŸ’-πŠπ€

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka labaad kalfadhiga todobaad ee kulamada wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa akhrinta koowaad warbixinta xisaab-xirka sanad maaliyadeedka 2024-ka, ayaa ugu horrayn waxaa mudanayaasha labada gole faahfaahin ka siiyay xisaab xirka 2024-ka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Somaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, wuxuuna dul istaagay, qarashaadka Maaliyadda, sida uu u baxay, muhiimadda nidaamka qasnadda midaysan, arrimaha mashaariicda, sida loo hanti dhowray maaliyadda Dalka iyo qodobo kale oo muhiim ahaa.

Intaas kadib qaar ka mid ah Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka waydiiyay su’aalo ku saabsan mabaadi’da guud ee xisaab xirka, iyadoo Wasiirku uu mid mid uga jawaabay su’aalihii Sanatarrada iyo Xildhibaannadu ay ka waydiiyeen warbixinya Xisaab xirka 2024-ka, waxaana guddoonku ay fareen guddiyada Maliyadda labada aqal in ay la wareegaan xisaab xirka, kana soo gutaan waajibaadka ka saaran dibna ugu soo celiyaan Golaha guud.
Previous π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π“πˆπŒπ€π‚π€πƒπƒπ„ 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ π—πˆπ…πˆπˆπ’πŠπˆπˆπ’π€ πŠπ” ππ€π€ππ‹πˆπ˜π€ π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽπ‹π€π‡π€ π–π€πŠπˆπˆπ‹π‹π€πƒπ€ π–π€ππŽπŽπ˜πˆ ππ€π‘πˆ.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024