Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ahaa:
1. Ansixinta xubinta buuxinaysa jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.
2. Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.
3. Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.
Ugu horrayn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Maryan Cali Abuukar, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare hor keentay xubinta loo soo magacaabay buuxinta jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyadoo Golaha ka codsatay inay xubinta cusub siiyaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadka iyo masuuliyadaha shaqo ee loo igmaday.
Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay xubinta loo magacaabay inay ka mid noqoto Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.Kadib ansixinta xubinta cusub, Golaha ayaa gudagalay soojeedinta akhrinta koowaad ee labada Hindise-sharciyeed ee kala ah Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.
Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada waxaa Golaha hor keenay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cali Xaaji, halka Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya uu soo jeediyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, iyadoo abada masuul ay Sanatarrada la wadaageen muhiimadda ay sharciyadani u leeyihiin dalka, baahida loo qabo meel-marintooda, iyo faa’iidooyinka laga filayo marka ay hirgalaan.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa soo xiray kulanka, isaga oo faray guddiyada Golaha ee ay khuseeyaan labada Hindise-sharciyeed inay la wareegaan, kana soo shaqeeyaan, iyagoo maraya habraacyada sharciga ah isla markaana ku sameynaya dib-u-eegis iyo turxaan-bixin dhammaystiran.