𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟖-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta ajandayaasha mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga, iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka hay’adaha dowladda.

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa carrabka ku adkeeyay soo-jeedinno iyo aragtiyo la xiriira habraacyada korjoogteynta, isla-xisaabtanka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiyada ee gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo aragtiyaha iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen xubnaha Guddigu, lana dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta waqtiga shaqada iyo soo-xaadirista xubnaha ee Golaha, si loo xaqiijiyo in waajibaadka loo igmaday si hufan oo masuuliyad leh loo guto.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐓𝐑𝐎𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐌𝐀𝐂𝐃𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024